Magaalada New York ee kamid ah kuwa ugu waaweyn dalkaasi ayaa waxaa laga diiwaan geliyay, xaalad cusub oo cudurka Furuqa Daanyeerada ah.
Wasaaradda caafimaadka ee gobolka New York ayaa maalintii shalay sheegtay, in hal xaalad oo cudurkan ah laga helay halkaasi.
Ma aysan bixin wasaaraddu tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda qofka cudurkan ku dhacay.
Gobollo kale katirsan wadanka Mareykanka ayaa horay looga helay cudurkan, kuwaasoo ay kamid yihiin Kaliforniya iyo Joorjiya.