Dalka Sweden waxaa dhawaan ka dhacay toogasho lagu sifeeyay iney tahay tii ugu khasaaraha badneyd oo ka dhacda gudaha dalkaas, taas oo lagu dilay 10 ruux.
Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Qamar Hilowle heysatayna 3 caruur ah, ayaa waxaa lasoo warinayaa iney kamid noqotay dadka lagu dilay toogashadaas.
Qamar ayaa waxa ay dalka Sweden tagtay muddo hadda laga joogo 17 sano, waxaana dilkeeda xaqiijiyay qaar kamid ah ehelkeeda oo uu ku jiro walaalkeed oo lagu magacaabo Cali.
Dalka Sweden waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayay weeraro toogashooyin ah, waxaana weerarkii kan ka horreeyay lagu dilay Salwaan Momika oo ahaa nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq balse heystay dhalashada Sweden, kaas oo marar badan goob fagaare ah ku gubay Qur’aanka Kariimka.