Maalintii shalay waxaa xeebta magaalada San Diego ku burburtay, diyaarad ay saarnaayeen labo qof oo ah nooca yar yarka ee ay isbticmaalaan ciidamada badda ee Mareykanka.
Diyaaraddan oo nooceedu ahaa EA-18G Growler islamarkaana loo adeegsado dagaalka dhanka elegratoonigga, lehna labo kursi oo kaliya, ayaa ku burburtay xeebta magaalada.
Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaasi, ayaa soo badbaadiyay labada ruux oo diyaaradda iyagu kaligood saarnaa shaqaalena ka ahaa.
Dhawaan waxaa dalka Mareykanka ka dhacay, shil diyaaradeed oo sababay dhimasho aad badan, kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo mid Helicobter ahayd midne rajaab, waxaana dhintay dhamaan dadkii saarnaa labadooda.