Waxaa marba marka ka dambeysa soo ifbaxaya khilaafka ka dhexeeya Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kooxda Tigreega ee TPLF, iyadoo ay suurogal tahay in markale wuqooyiga dalkaasi ka billowdo dagaallo lagu riiqmo oo u dhexeeya labada dhinac.
Dowladda uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa sii wada cadaadisyada siyaasadeed iyo kuwa milliteri ee ka dhanka ah kooxda TPLF, iyadoo dhinac kale uu jiro khilaaf siyaasadeed oo salka ku hayo arimaha hogaanka oo u dhexeeya hogaamiyaasha kooxda TPLF.
Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa qaaday tallaabadii ugu dambeysay oo ka dhan ah kooxda TPLF, taasoo muujineysa heerka uu gaarsiisanyahay cadaadiska xukuumadda Adis Abababa ee ka dhanka ah qowmiyadda Tigreega.
War saxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay, in la go’aamiyay in xayiraad dhanka siyaasadda ah lagu soo rogo kooxda TPLF, islamarkaana aaney sameyn karin wax dhaq-dhaqaaq ah.
lllaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda TPLF, waxaana xayiraadda dhanka dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee lagu soo rogay kooxdu imaanaya, iyadoo ay horaanba labo garab u kala jabeen.