Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsQaraxyo iyo Weeraro Ka Kala Dhacay Degmooyin kamid ah Muqdisho iyo Shabeellaha...

Qaraxyo iyo Weeraro Ka Kala Dhacay Degmooyin kamid ah Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay fuliyeen, weeraro ay ku beegsadeen ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Muqdisho, qarax ka dhacay isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan oo lala eegtay fariisin ay ciidamada Dowladda Federaalka halkaas ku leeyihiin, ayaa dhaliyay dhaawaca 3 askari.

Qarax midkaas lamid ah ayaa isagana ka dhacay isgoyska Xoosh degmada Dharkeenley, ayaa waxaaa isna ku dhaawacmey ugu yaraan 2 askari.

Dhanka kale weerar ka dhacay isbaarro taallay afaafka hore ee degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 2 askari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.