Ciidamo katirsan maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa si bareer ah u toogtay 2 gabdhood oo caruur ah.
Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay 2 caruur ah ku dileen, degmada Mahadaay oo katirsan gobalka Sh-hoose.
Ciidanka ayaa si bareer ah waxa ay utoogteen 2 gabdhood oo yaryar, kuwaas oo ay da’doodu kala tahay 8 jir iyo 2 jir.
Yaasmiin oo ah hooyada dhashay labada caruur ee ay dileen ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa ka warbixiyay qaabka loo dilay gabdhaheeda.