Qeybta 03aad ee Barnaamijka Qurunka Qabyaaladda oo ay baahiso Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan, sida ay Shisheeyuhu taariikhdii hore iyo tan mucaasirka ahba juhdiga ballaaran ugu bixinayaan isku dirka Muslimiinta dhexdooda ah.
Marka laga hadlayo dalkeena Soomaaliya, waxay Shisheeyaha noocyadiisa kala duwan tan iyo xilligii gumeystaha, ay xooga saareen sidii la isaga hor keeni lahaa umadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah, iyadoo la adeegsanayo qabiilka oo Soomaalida qaar ay aad u weyneeyaan.
Gumeystihii Talyaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa kala qeybsaday dhulka ballaaran ee Soomaalidu leedahay, qabiil welibana waxay ka dhaadhiciyeen inuu iska ilaaliyo qabiilka kale ee ay deriska yihiin, iyagoo u tusay inuu cadow ku yahay, oo uu daaqa iyo biyaha la qeybsanayo.
Marka Soomaalida oo xilligaas u badnaa xoolo dhaqato reer baadiye ah la isku diro, dagaalna uu ka dhex qarxo, waxay gumeystayaashu qabiil weliba siinayeen hub uu u adeegsado dilka qabiilka kale, siyaasadan ayayna ka dhex arkayeen iney tahay mid u damaanad qaadi karta sii joogitaankooda Soomaaliya.
Mid kamid ah cawaamisha ay Shisheeyaha iyo kuwa taabacsan ay ku kala qeybiyeen umadda Soomaaliyeed dhexdeedana isugu direen, waa mashruuca 4.5, kaasoo kala fadildaya qabaa’ilka Soomaaliyeed, kuwana ka dhigaya iney yihiin qabiil buuxa, halka qaarna ka dhigaya iney yihiin kuwa aan dhameystirneyn.
Sheekh Cali Cabdullaahi Sheekh Katiin oo kamid ah culimada ayaa waxa uu ka warramaya waxa ay Shareecada Islaamka ka qabto dilka bareerka ah ee loo geysto qof muslim ah, iyo in laga qeybgalo dagaallada ku saleysan qabiilka.
Qeybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya waxaa iminka ka socda dagaal beleedyo u dhexeeya beelo Soomaaliyeed oo walaalo ah, kuwaas oo lagu laayo dad aan waxba galabsan oo ay kamid yihiin hormuudka bulshada, waxaana had iyo jeer lagu eedeeyaa iney hurinayaan Dowladda Fedaraalka iyo maamullada kale ee dalka ka jira.