Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gobollo katirsan dalka Mareykanka ka da’ay roobab dadaad waayn ay ka dhasheen oo hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Dhowr gobo loo katirsan wadankaasi ayey ka da’een roobabkan waxayna sababeen dhimashada 9 qof oo siyaabo kala duwan udhintay.
8 ruux oo kamid ah dadka dhintay oo ay ku jiraan hooyo iyo cunugeeda waxay ku naf waayeen gobolka Kentucky, wuxuuna gudoomiyaha gobolkaasi sheegay in dadkan ay ku go’doomeen gaadiidkii ay saarnaayeen oo bartamaha kaga jiray daadadka.
Hal qof oo kale ayaa isne ku dhintay magaalada Atlanta ee gobolka Joorjiya, kadib markii uu subaxnimadii shalay geed wayn kusoo dhacay gurigiisa.
Cabsi la xiriirta iney dad hor leh ku dhintaan daadkan ayaa wali ka taagan gudaha dalkaasi, xilli ay dad badan ay ku sigteen iney daadadku qaadaan.