Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsMeydka Qof Rasaas Lagu Dilay oo Laga Helay Gobolka Al-Jowf ee Dalka...

Meydka Qof Rasaas Lagu Dilay oo Laga Helay Gobolka Al-Jowf ee Dalka Yaman.

Togga Sariirah ee ku yaalla mandiqadda Al-Mafluuj oo hoostagta degmada Al-Madhamah ee katirsan gobolka  Al-Jowf, ayaa laga meydka Cabdllah Saalix Tasecaan oo la dilay.

Meydka ninkan la dilay ayaa lagu qariyay goobta kahor inta aan lasoo helin muddo sedax maalmood kahor ah, si rasmi ah ahna looma oga cidda dishay.

Gobolkan waxaa ka taliya malleeshiyada Xuuthiyiinta Shiicada ah oo qeybo badan oo kamid ah dadka Yaman kawada Jaraa’im kala duwan oo ay dilalka joogtada ah ugu horreeyaan.

Sido kale degaanada ay joogaan kooxda Xuuthiyiinta waxaa ka jira amni darro iyo daruufo nololeed oo kala duwan, malleeshiyaadkan ayaana dhac joogto ah ku haya hantida dadka shacabka ah ee ay dagaalladu daruufaha adag usababeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.