Dab xoogan oo basbeeliyay xarumo ganacsi ayaa ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho oo ah Suuq-Bacaad.
Qaar kamid ah ganacsatada ku hanti beeley dabka oo warbaahinta la hadlay ayaaa sheegay, in khasaaraha ka dhashey dabka uu yahay mid xoogan, hase ahaatee ay sabarsanyihiin, Allaahna weydiisanayaan bedel kheyr qaba.