Afhayeenka Booliska Dowladda Fedaraalka Cabdifitaax Aadan oo saxaafadda kula hadlayay meel fagaare ah oo ay kusoo bandhigeen maandooriyaha qaata oo ay dad dhanka badda iyo berriga kasoo geliyay kasoo qaadeen sida uu hadalka udhigay ayaa sheegay, in qaadka ay garoonka kasoo dega ee ay lacagaha canshuurta ah ka qaataan uu xalaal yahay, halka midka meelaha kale laga soo geliayana uu ku tilmaamay mid kotorobaan ah.
Wuxuu intaasi ku daray in in qaadka kasoo gala badaha iyo berrriga ee aysan Dowladda Fedaraalku lacagaha ka qaadin caafimaadka bulshada wax udhimayo, halka mid kalena uu amaanay.
Mar su’aal laga waydiiyay wuxuu qaadka ay lacagta ka qaadaan ugu tilmaamay inuusan bulshada wax udhimeyn ayuu hadalkiisii hore oo ahaa inuu xalaal yahay ku celiyay, wuxuuna diiday inuu si waafiya uga jawaabo.