Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo ka dhacay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Shilkaan ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay mid kamid saraakiisha ciidanka madaxtooyada maamulka la baxay Puntland.
C/Khaaliq Maxamuud Faarax ayaa lagu magacaabaa sarkaalka katirsan ciidanka madaxtooyada maamulka la baxay Puntland ee ku geeriyooday shilka ka dhacay Boosaaso.
War kasoo baxay madaxtooyada maamulka isku magacaabay Puntland ayaa lagu xaqiijiyay geerida sarkaalkaan, waxaana sidoo kale lagu sheegay in uu dhintay xilli uu uu hawl-gal kaga jiray magaaladaas.
Warka kasoo baxay Madaxtooyada maamulka la baxay Puntland ayaa lagu muujiyay sida ay uga xun yihiin geerida ku timid sarkaalkaan oo darajadiisa lagu sheegay Kaptan.
Magaalada Boosaaso iyo duleedkeedaba waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay shilal geystay khasaarooyin kala duwan, kuwaas oo qaarkood ay ku naf waayeen askar iyo saraakiil katirsan maamulka ka jira magaaladaas.