Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh oo ka hadlayay meel fagaare ah waxa uu shaaca ka qaaday, qeybo badan oo kamid ah dhibaatooyinka askartooda kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Xasan ayaa sheegay in askar badan ay dagaalka ku waayeen lixaadkooda, halka kuwa kalana ay nafwaayeen, kuwaas oo ay kamid yihiin qaar indhaha beelay.