Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Shaaciyay in Dagaalka uu ka Wado Soomaaliya ku Difaacayo Bulshooyinka...

Mareykanka oo Shaaciyay in Dagaalka uu ka Wado Soomaaliya ku Difaacayo Bulshooyinka Kirishtanka ah.

Iyadoo horaanba loo ogaa waxa uu salka ku hayo duullaanka Maraykanka ee Soomaaliya, madax iyo saraakiil hore oo Ameerikaan ahna xaqiijiyeen inuu yahay dagaal diimeed ay kaga soo horjeedaan Islaamka, ayaa hadana waxa uu maamulka cusub ee la wareegay talada Maraykanka si cad u sheegay hadafka uu xaqiijinayo duullaankooda Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dagaalka ee dowladda Maraykanka ninka lagu magacaabo Pete Hegseth oo ah xagjir ay aad ugu fogtahay cadaawadda Islaamka, si cadna warbaahinta uga horsheega arinkaas, ayaa isagoo booqasho ku tagay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ay ku leeyihiin dalka Jarmalka, wuxuu ka shanqariyay xaqiiqooyin ka tarjumaya duullaankooda Soomaaliya.

Wasiirkan horey wariyaha u ahaan jiray ayaa sheegay, in dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya iyo guud ahaan bariga Afrika uu yahay dagaal ay ku difaacayaan bulshooyinka Kirishtinka ah, ayna kula jiraan awoodo Jihaadiyiin ah.

Wuxuu sheegay ineysan ogoleyn in isbedel xaga maamulka ah uu ka dhaco bariga Afrika, bulshooyinka Kirishtanka ee halkaas kunoolna ay taariikh ahaan wajahayeen dhibaatooyin badan, balse hadda ay tahay waqtigii si wadajir ah looga horagi lahaa dhibaatooyinkaas, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka dagaalka ee Maraykanka wuxuu dhanka kale sheegay iney dib u eegis ku sameynayaan joogitaanka Soomaaliya iyo habka uu u socdo duullaanka ay kaga soo horjeedaan Wilaayaatka Islaamiga, wuxuuna wasiirku sheegay in arintani uu kala tashan doono saraakiisha Africom, balse ay mudnaanta siinayaan in la fuliyo qorshaha Trump, isagoo tilmaamay in dagaalka Soomaaliya ay sii wadi karaan iyadoo aanu dalkaasi joogin hal askari oo Ameerikaan ah.

Dowladda Maraykanka ayaa hogaamineysa duullaan milliteri iyo mid siyaasadeed oo lagu soo waday Umadda muslimka ah ee Soomalaiyeed, kaasoo lagu doonayo in lagu ciribtiro maamullada Wilaayatka Islaamiga ah, dadka Soomaaliyeedna looga dhigo cilmaaniyiin u arka mabda’a dimuqraadiyadda hannaan nololeed wanaagsan, waxaase Maraykanku awoodi la’yahay xaqiijinta hadafkan oo uu u xusul duubayo sodonkii sano ee lasoo dhaafay.

Shacabka Soomaaliyeed ee gumeys diidka ah ayaa tobanaan sano oo xiriir ah wuxuu kujiraa halgan Jihaadi ah, oo uu ku difaacanayo diinkiisa iyo madax banaanidiisa, waxaana halgankaas waqti xaadirkan horkacaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo wacad ku martay in Soomaaliya aan lagu xukumin doonin waxaan Islaamnimo ka ahayn, dagaalkuna socon doono intaba uu ciidda Soomaaliya joogo askari gumeyste ah, oo fulinaya ahdaafta Xamlada Sahyuu Saliibiyadda ee ay horboodayaan Maraykanka iyo Yahuudda.

Halkaan ka Degso Warbixinta Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.