Saacadihii lasoo dhaafay shil gaari ayaa waxa uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Sallaxleey ee woqooyiga Soomaaliya, halkaas oo uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.
Shilkaan oo geystay khasaare nafeed ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay, deegaanka Qoolcaday oo hoostaga degmada Sallaxley ee woqooyiga Soomaaliya .
Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhawaacantay shilka, kaas oo yimid kadib markii markii uu rogmaday gaari nuuca loo yaqaanno Saarufka oo halkaasi marayay.