Dadka kunool deegaan hoostaga magaalada Mandhera ee dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysato, oo lagu magacaabo Sala ayaa sheegay, iney deegaankooda ka mamnuuceen maandooriyaha khaatka.
Waxay sheegeen waxgaradka deegaanka iyo culimada diinta Islaamka, iney go’aan ku gaareen ineysan janaazo u tukan qof jaad cuna haddii uu dhinto, sidoo kalena aan gabar loo guurin qofka maandooriyahaas isticmaala.
Go’aankan ayay ku sheegeen inuu yahay mid kasoo baxay dadka deegaanka, si guudna ay dhexdooda isku raaceen, dhaqangelintiisana la billaabay.