Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsEretrea oo si Kulul Uga Jawaabtay Eedeyn Uga Timid Madaxweynihii Hore ee...

Eretrea oo si Kulul Uga Jawaabtay Eedeyn Uga Timid Madaxweynihii Hore ee Itoobiya.

Maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome ku eedeeyay Ereteria inuu yahay dal ka macaasha colaadaha, ayaa waxaa hadalkaas si adag uga jawaabay dowladda Ereteria, oo warkaasi ku tilmaamtay mid waxba kama jiraan ah.

Yemane Gebremeske oo ah Wasiirka Xogaha ee dalka Ereteria ayaa barta X wuxuu ku daabacay qoraal uu uga jawaabayo, madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome oo maqaal uu ku qoray Aljazeera ku sheegay in Ereteria ay hurineyso colaadda ka socota geeska Afrika.

Wasiirka Ereterianka ayaa sheegay in eedda uu usoo jeediyay madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya ay tahay, mid uu ku qarinayo xaqiiqooyinka ka jira mandiqadda, isagoo dusha u saaraya dowladda Eretria tuhmad been ah oo la xiriirta iney ku lug leedahay colaadda ka aloosan mandiqadda, sida uu warka u dhigay wasiirka katirsan dowladda Ereteria.

Kaalinta dowladda Ereteria ka qaadatay xaaladda dalka Itoobiya intii ay socdeen dagaallada adag ee dhexmaray kooxda TPLF iyo ciidanka Federaalka, ayuu wasiirka Macluumaatka ee dowladda Eretria waxa uu ku sheegay iney ahayd mid aad u wanaagsan, ayna ka marqaati kaceen madaxda Itoobiya oo uu kamid yahay Abiy Axmed, kaaso xukuumadda Asmara uga mahadceliyay tallaabooyinka ay qaaday.

Eedaha la xiriria in ciidamo Ereteria ka socda ay ku suganyihiin gudaha dalka Itoobiya, qeybna ka qaateen dagaalkii TPLF lala galay, ayaa qoraalka kasoo baxay dowladda Ereteria waxaa lagu sheegay iney yihiin, eedeymo la yaab leh oo aan ka tajrumeynin xaqiiqda iyo xaaladda dhabta ah, cidamada Ereteriana aaney marnaba ka gudbin xadka rasmiga ah ee la wada aqoonsanyahay.

Halkaan ka Degso Warka Eretrea

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.