Tuesday, April 22, 2025
HomeAll NewsQarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Dalka Maraykanka.

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Dalka Maraykanka.

Dalka Mareykanka gaar ahaan mandiqad dalxiis oo ku taalla gobolk Haawaay ee dalkaasi, ayaa waxaa ka dhacay qarax khasaare hantiyeed iyo mid nafeed geystay.

Qaraxan oo baaritaano hor dhac ah oo la sameeyay muujinayaan inuu ka dhashay Batroolka dareeraha ah, ayaa ka dhacay dhisme kaabiga ku haya xeebta ku taalla mandiqaddan, una dhow magaalada lahina ee badankeed ku gubtay dab 2023-kii halkaasi ka kacay.

Ugu yaraan 7 ruux oo ay ku jiraan dad xaalad halis ah ku jira, ayaa ku dhaawacmay qaraxan, waxaana dadka dhaawacyadoodu daran yihiin loo qaaday xarun caafimaad.

Muuqaal duubtay kaamirada CCTV ayaa lagu arkayaa qaraxa iyo sida uu udhacayo, waxaana kala kacararaya dadkii goobta ku sugnaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.