Waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa war ay soo saartya ku Sheegtay, in labo isbuuc gudahooda ay kumannaan dad ah oo dhashay wadanka Congo isaga qaraxeen halkaasi, iyagoo aaday wadanka Burundi, si ay naftooda ugala baxsadaan dagaallada ka jira halkaasi.
Dadka barakacay ayey Qaramada Midoobay ku sheegtay iney tiro ahaan gaarayaan 24 kun oo ruux, kuwaasoo ay sheegtay iney ubadanyihiin caruur iyo haween.
Qaxa dadkan ay sameynayaan ayaa yimid kadib markii magaalooyin dhaca Bariga wadanka Congo ay la wareegtay, kooxda fagallada ah ee M-23 oo dagaal kula jirta dowladda wadankaasi.
Barakacan baaxadda leh ayaa kusoo aadaya, xilli wali ay halkaasi ka taagan tahay colaaddu, M-23-na magaalooyinkii ay la wareegtay wali gacangta ku hayso.