Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsMaxay Yihiin Ciidamada Yurub Ka Socda ee La Geynayo Dalka Ukraine?

Maxay Yihiin Ciidamada Yurub Ka Socda ee La Geynayo Dalka Ukraine?

Washington ayaa ka codsatay hoggaamiyeyaasha Yurub inay siiyaan dammaanad qaad amni, oo ay ku jirto awood militari oo la geeyo Ukraine, haddii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu heshiis nabadeed la gaaro dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Waana arinka uu wargeyska Guardian ee kasoo baxa Britin uu isku dayay inuu caddeeyo isagoo ka jawaabay 5 su’aalood:

Marka hore, maxay u ekaan kartaa awooda militari ee lagaynayao Ukraine? wargayska ayaa soo xigtay Matthew Saveell, oo ah agaasimaha sayniska milatariga ee machadka Royal United Services Institute, kaas oo sheegaya, in ay jiraan dhawr heerar oo ciidamao ah oo la geyn karo kadib xabbad-joojin ka dhacda Ukraine. Midka koowaad: waa ciidamo xoog leh oo la geeyo dhulka, kuwaas oo awood u leh inay la dagaallamaan Ruushku haddii uu mar kale soo galo Ukraine, waxa laga yaabaa inay ciidamadaas gaaraan 100 kun illaa 150 kun oo askari waana cadadka ciidamada uu raadinaya madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Laakiin iyada oo uu Maraykanku sheegay inuusan wax ciidama ah ku biirinaynin safka halwgalkaas, hadana ma caddo in Yurub ay bixin karto tirooyinkan oo kale, Saveell wuxuu aaminsan yahay in beddelka ugu badan ee lagu kalsoonaan karo uu noqon doono Tobanaan kun oo guutooyin oo ka socda Yurub, kuwaas oo ku sugan qaybo ka mid ah safka hore, laakiin waxay la macno tahay in haddii Ruushku uu soo weeraro deriskiisa Ukraine mar kale, ay waddamada Yurub isu soo jiidayaan loolan cusub.

Saville ayaa sheegay, in ciidankaas uu ku koobnaan doono inuu ciidamada Yukrayn siiyo tababar weyn, sidii looga hortagi lahaa khataraha Ruushka, iyadoo ciidamada Yurub ay saldhigyo ka samaysan doonaan Ukraine, waxayna awood u yeelan karaan inay dagaallamaan ama ay taageero bixiyaan xiliyada ay jirto xiisadda militari, balse taasi waxay bixin doontaa oo kaliya caawinaad ku xaddidan Ukraine, oo wajaheysa illaa 600 Kun oo Raashiyaan ah oo ku jira safka hore, kuwaas oo si firfircoon uga hawl gala dhul baaxadda dhirirkiisa lagu qiyaasay 600 mayl. Khabiir milatari ayaa intaa ku daray, in loo baahan yahay ciidamada cirka iyo kuwa badda si loo taageero mustaqbalka Ukraine.

Su’aasha labaad ee la’iswaydiinaya ayaa ah, ma laga yaabaa in ciidamadani ay ku koobnaadaan ciidama nabad ilaalin ah?. Ciidan kasta oo reer Yurub ah oo la geeyo Ukraine uma badna inay noqdaan hawlgal nabad ilaalin ah. Hawlgallada noocan oo kale ah waxaa isku dubbarida waxa loogu yeero Qaramada Midoobay.

Halkan kala deg Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.