Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsSamuel Nsubuga: "Haddaan Ciidankeenna la Maalgalin Al-Shabaab 6 Isbuuc ayay ku Qabsaneysaa...

Samuel Nsubuga: “Haddaan Ciidankeenna la Maalgalin Al-Shabaab 6 Isbuuc ayay ku Qabsaneysaa Muqdisho”

Sarkaal sare oo katirsanaa Sirdoonka Uganda ayaa sheegay, in haddii aysan maalgalin u helin ciidankooda duullaanka ku jooga Soomaaliya ay suuragalin karto in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay 6 todobaad gudahood ama ka yar kula wareegi doonto magaalada Muqdisho.

Samuel Nsubuga oo ah khabiir xagga amniga ah iyo sarkaal sare oo horay uga tirsanaa Dowladda Uganda ayaa waxa uu walaac ka muujiyay, taag darrida xooggan ee ay wajaheyso Dowladda Fedaraalka iyo ciidankeeda haddii ay sii socoto hakinta lagu sameeyay taageerada dowladaha reer-galbeedka.

War qoraal ah oo uu ku daabacay barta uu ku leeyahay “X” ayuu Samuel ku sheegay, in haddii Midowga Yurub iyo UN-ku aysan maalgelin duullaanka ay ciidankoodu ku joogaan Soomaaliya ay suuragalin karto, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay 6 todobaad gudahood ama ka yar kula wareegi doonto guud ahaan magaalada Muqdisho.

Isagoo mar ka hadlayay tabar darrida heysata Dowladda Fedaraalka ayuu sarkaalkaan Ugandeyska ah yiri “Ma haystaan ​​ciidan tayo leh, gaar ahaan markii ay fashilmeen ciidamadii uu Turkigu tababaray ee ku sugnaa Jubbada-hoose, anagu uma shaqeyneyno wax aan jiri” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Warkaan kasoo yeeray sarkaalkaan horay uga tirsanaa Sirdoonka Dowladdaa Uganda ayaa sii xoojinaya, xaaladda hubanti la’aanta ah ee uu wajahayo howlgalka cusub ee ciidamada Shisheeye looguna magac daray “AUSSOM” kaas oo iminka wajahaya dhaqaale xumo baahsan oo ay ka qeyla dhaaminayaan dowladaha Afrikaanta ah ee qeybta ka ah howlgalkaas.

Saacadihii lasoo dhaafay ayay sidoo kale aheyd, markii machadka ISS ee ka faallooda arrimaha amniga kana howlgala wadamo badan oo ku yaalla Afrika ayuu shaaca ka qaaday, in howlgalka Shisheeye ee “AUSSOM” uu wajahayo caqabado lamid ah kuwii fashiliyay howlgalkii hore ee shaarka loo badalay ee ATMIS, kuwaas oo uu ku sheegay dhaqaalo la’aan iyo maalgalinta reer-galbeedka oo sii dhamaaneysa.

Bishii dhamaatay ee January ayuu billowday magac bedelka loo sameeyay duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, illaa iyo hadana majirto wax isbedel ah oo ku yimid duullaankooda, reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Maraykankana waxay diidanyihiin iney dhiibaan dhaqaalaha rasmiga ee duullanaka.

Warbixinnadaan isa soo taraya iyo walaaca laga muujinayo fashil degdeg ah oo ku yimaada howgalka cusub ee ciidamada Shisheeye duullaankana ku jooga dalka ayaa ah kuwa walaac xooggan ku abuuraya Dowladda Fedaraalka, taas oo iminka wajaheysa xaalado siyaasadeed iyo duullaanno baallaran oo kaga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, dadka sida dhaw ula socda duullaanka Shisheeye ayaana qaba in aan wax natiijo ah laga gaari doonin xallinta dhibaatada heysata howlgalka cusub ee loogu magac daray “AUSSOM” maadaama waxa ay ka cabanayaan ay tahay isla sababtii shaarka loogu badalay kii isaga ka horreeyay ee ATMIS.

Halkaan ka Degso Warbixinta Sarkaalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.