Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsTaliyaasha Sirdoonka iyo Milliteriga Itoobiya oo Booqasho ku Yimid Magaalada Muqdisho.

Taliyaasha Sirdoonka iyo Milliteriga Itoobiya oo Booqasho ku Yimid Magaalada Muqdisho.

Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Itoobiya ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku yimid magaalada caasimadda ah ee Muqdihso, iyagoo kulamo la qaatay masuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, tallaabadan oo qeyb ah sidii Itoobiya ay uga sii mid ahaan lahayd duullaanka Soomaaliya.

Berhanu Julla oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya iyo Ridwaan Xuseen oo ah madaxa Sirdoonka Itoobiya ahna nin asal ahaan Soomaali ah, waxaana ay la kulmeen Odowaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha ciidamada Dowladda Federaalka iyo Sanbaloolshe oo ah taliyaha Hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka.

Booqashada madaxda ka socday Itoobiya ay ku yimaadeen Muqdisho maalintii Sabtida ayaa qaadatay saacado keliya, waxaana dhinacyadu ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa caqabada ku horgudban duullaanka Shisheeyaha ee magaca loo bedeley AUSSOM, kaasoo aan weli wax tallaabo ah qaadin.

Sida muuqata Dowladda Itoobiya ayaa u ololeyneysa iney ciidamadeedu kasii mid ahaadaan duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, kaasoo ay horyaalaan caqabado badan oo ay ugu weyntahay iyadoo dowladaha taageera duullaanka aaney weli ka heshiinin maalgelintiisa.

Halkaan ka Degso Warka Booqashada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.