Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan SIrdoonka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada oo katirsan magaalada Muqdisho ku dileen, wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaankaas.
Wiilka dhalinyarada ah oo lagu magacaabo C/Samad oo 19 jir ah, ayaa waxaa si bareer ah u dilay ciidamo katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka.
Waxaa lasoo warinayaa in wiilka dhalinyarada ah ay garbaduub u xireen kadibna ay toogteen askartaas, iyagoona ku andacooday in uu mindi kusoo weeraray askarta sirdoonka midkoodna uu dhaawacay.
War kaa ka duwan ayaa kasoo baxay Boliska Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo cadeeyay in si bareer ah loo dilay wiilka dhalinyarada ah, isaguna uu baxsad ka ahaa ciidanka, iyagoona ciidanka Sirdoonku keeni waayeen askartigii ay sheegeen inuu dhaawaca u geystay wiilka dhalinyarada ah.
Aabaha dhalay wiilka la dilay iyo ayeeyadiis ayaa ka waramay qaabka loo dilay wiilkooda, iyo sida ay ciidanka Sirdoonka u xalaaaleysteen dhiigga C/Samad.