Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay tirada ciidamada Afrikaanta ee ka qeybgalaya duullaanka magaca loo bedeley ee AUSSOM, tani oo timid todobaadyo khilaaf iyo muran ah oo ay dowladaha qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya ay isku fahmi waayeen dal weliba iyo tirada ciidamada ee uu ku yeelanayo howlgalka.
Dowladda Itoobiya iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku heshiiyay tirada ciidamada Itoobiyaanka ah ee qeybta ka ahaanaya duullaanka loogu magacadaray AUSSOM, waxaana ciidamada qeybta ka ah duullaankaas ay ka kala socdaan dalalka Uganda, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Masar.
Ciidamada Burundi ee qeybta ka ahaa duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-da ayaa gebi ahaanba isaga baxaya dalka, kadib markii ay Bujumbura iyo Dowladda Federaalka isku fahmi waayeen, tirada ciidamada Burundi ka socda ee qeybta kasii ahaanaya duullaanka Soomaaliya.
Masuul katirsan Midowga Afrika oo la hadlay warbaahinta Maraykanka islamarkaana diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa laga soo xigtay in ciidamada Burundi ay gebi ahaanba ka bixi doonaan Soomaaliya, kadib markii Burundi ay ku qanci weysay tirada looga ogolaaday iney qeyb kaga sii ahaato duullaanka Soomaaliya.
SIda laga soo xiganayo masuuliyiinta Afrikaanta ah ee la hadlay warbaahinta, iyo sidoo kale lataliyaha dhianca amniga ee Xasan Sheekh Maxamuud ninka lagu magacaabo Xuseen Macallin, waxa xubnaha howlgalka AUSSOM ay tiradoodu gaareysaa 11,900 oo ruux, kuwaasoo isuga jira ciidamo milliteri, booliis iyo shaqaale qabanaya howlaha kala duwan ee howlgalka, iyadoo dalka ugu ciidanka badan uu yahay Uganda.
Waxaa dalka Uganda duullaanka magaca loo bedeley ee Shisheeyuhu ka wadaan Soomaaliya uga qeybgalaya 4,500 oo askari, halka Itoobiyana uga qeybgeli doonaan 2,500 oo askari, Jabuuti oo 1,520 oo askari heshey, halka Kenyana loo qoondeeyay 1,410 oo askari, iyadoo Masarna ay ka socdaan 1,091 askari.
Sida muuqata dowladda Masar ayaa buuxineysa booska ciidamada Burundi ee la filayo in waqtiyada nasoo aadan ay isaga baxaan guud ahaan Soomaaliya, taasoo ka dhigan in Burundi ay soo gebegebeyneyso duullaankeeda Soomaaliya ee socday tan iyo sanadkii 2007-da.
CIidamada Burundi ayaa mudada ay joogaan Soomaaliya waxay la kulmeen weeraro laayaan ah oo uga yimid dhinaca Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, weerarada aadka loo xusuustana waxaa kamid ah dagaalkii Deyniile ee sanadkii 2011-ka, dagaalkii Leego ee sanadkii 2015-ka, dagaalkii Ceelbaraf ee dhacay sanadkii 2022-ka, iyo weeraro kale oo ay kamid yihiin kamaa’inno iyo qaraxyo, kuwaasoo gallaaftay nolosha boqollaal askari oo Burundees ah.