Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsHowlgal Askar Lagu Dilay oo ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad ee Sh-dhexe.

Howlgal Askar Lagu Dilay oo ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad ee Sh-dhexe.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen, duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh-dhexe.

Weerarka ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka oo Mooto watay, kuwaas oo marayay duleedka degmada Balcad.

Inta la xaqiijiyay 2 askari ayaa Dowladda Fedaraalka looga dilay weerarka kuwaas oo laga furtay qoryihii ay ku hubeysnaayeen, halka looga dhaawacay 2 kale.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo qeybo badan oo gobalka kamid ah ay ka socdaan weeraro ka dhan ah askarta Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo laga qabsaday deegaanno dhowr ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.