Laga soo bilaabo xudduudaha jeexan illaa xariiqyada toosan iyo waddamo aan bad lahayn, khariidadda Afrika waxay daaha ka qaadaysaa sheekooyin xiiso leh oo mid kasta salka ku haya xuduudaheeda.
Afrika waa qaaradda ugu dawladaha badan, waxayna leedahay 54 wadan, Laakiinse qaar badan oo ka mid ah xudduudaheeda ayaa u muuqda kuwo aan dabiici ahayn, iyagoo raacaya khadadka toosan ee meelaha qaarkood iyo kuwa qaloocan ee meelaha kale, kuwaas oo ay kala gooyaan buuraha, webiyada iyo xitaa meelaha ay dagan yihiin bulshooyinka.
Inta badan xudduudahani waxay ka soo bilawdeen shirkii Berlin ee 1884 illaa 1885, halkaas oo qaaradda loo qaybiyay quwadaha Yurub iyada oo aan waddan Afrikaan ah ka qaybgelin heshiiskan.
Warbixintani, waxay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah sheekooyinka ama qisooyinka ka dambeeya xuduudahan yaabka leh.
Qisada ugu horaysa ayaa ah, waa maxay sababta dawladaha Masar iyo Suudaan midna uusan u rabin mandiqada Bir Tawil? Waqooyi-bari ee qaaradda Afrika, waxa jira dhul qalalan oo dhan 2 kun oo kiiloomitir oo laba jibaaran, kaas oo ah dhul aan la degganayn oo aanay lahaanshihiisa sheeganin Masar iyo Suudaan midkoodna. Sannadkii 1899-kii, Ingiriisku wuxuu xariiqay waxa uu ugu yeeray xuduud toos ah oo kala qaybisa Masar iyo Suudaan, oo markaas ahaa labo goobood oo uu Ingiriisku maamulayay.
Laakiin 1902-dii, Ingriisku waxa uu mandiqada Saddex Xagalka Xala’ib ku daray Suudaan, halka mandiqada Bir Tawilna uu ku daray Masar isagoo u fiirinaya arrimo juqraafi iyo mid maamul. Xornimadii labada dal kadib, mid kastaa wuxuu ku adkaystay sheegashadiisa xudduudaha sida ku cad heshiiskii 1899 ama 1902, iyada oo mandiqada Bir Tawil labada dhinac midna uusan aqoonsanayn. In kasta oo Masar ay gacanta ku haysay Saddex-xagalka Xala’ib tan iyo sannadkii 2000, halkaas oo illaa iyo hadda uu weli ka jira khilaaf.
Geesta kale, Gambia waa dalka ugu yar dhul weynaha Afrika, waxa uu ku yaallaa dhul ciriiri ah oo ku wareegsan wabiga Gambia, ku dhawaadna waxaa ku hareeraysan dalka Senegal. Xiriirka Gambia ay la samaysato caalamka waxa uu bilawday markii uu Boortaqiisku sahmiyey qarnigii 15-aad, kadibna waxa ay noqotay xarun weyn oo lagaga ganacsado addoonsiga Bani Aadamka. Waxay xornimada qaadatay 1965-kii.