Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsMaamulka Puntland oo Beenaalayaal Ku Tilmaamay Dowladda Federaalka. .

Maamulka Puntland oo Beenaalayaal Ku Tilmaamay Dowladda Federaalka. [Dhagayso].

Maxamuud Caydiid Dirir oo ah Wasiirka Warfaafinta ee maamulka la baxay Puntland ayaa si adag u beeniyay war kasoo baxay Dowladda Fedaraalka, isagoona sheegay in aysan gacantooda waxba ku jirin oo ay dalka maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dowladda Fedaraalka oo sheegtay iney mashaaruuc ka hirgalisay dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayuu wasiirku sheegay ineysan waxba ka jirin arrintaas, iska daa iney wax dhisaane ayba leexdaan gargaarka ay Shisheeyaha ugu talagaleen maamulkooda.

Waxa uu soo hadal qaaday weerarkii ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad, isagoo xusay in masuuliyiinta degmadaas ay u hoydaan magaalada Muqdisho, Afgooyana ay waqtiga ugu badan maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, galinki horana ay Dowladda Fedaraalka degmadaas kasoo doonato qaad oo kaliya.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay booqashadii Abiy Axmed ee Muqdisho, taas oo uu tilmaamay iney muujineyso gabi dhacleynta Dowladda Fedaraalka oo horay bulshada ugu sheegtay in Itoobiya cadow tahay haddana ay iyada soo dhaweyneyso.

Halkan kala deg Faafaahinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.