Ciidamada Cirka ee dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta ku dhawaaqay, tiro dad shacab ah ay ku dhaawacmeen duqeyn ay geystay diyaarad nooceedu yahay F-16.
Illaa 8 gentaal ayey sheegeen iney si qaldan utuurtay diyaaradan oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Kuuriyada Koonfureed, xilli ay ku gudajirtay tababar, waxayna la hareer martay halkii loo asteeyay iney toogato, iyadoo kolkaasoo ay dad shacab ah haleeleen bambooyinkii ay tuurtay.
Tirada dadkan ayaa dadka waxyeeladu gaartay ayaa lagu sheegay iney yihiin 8 ruux, waxayna ku dhaawacmeen gentaalladaasi ay diyaaraddu tuurtay.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in diyaaraddu ay gentaalladan uridday si ka baxsan habkii dabiiiciga ahaa ee lagu yiqiinay, maadaama ay tababar ku jirtay.