Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsSarkaal Katirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Howlgal Gaar ah.

Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Howlgal Gaar ah.

Wararka ka imaanaya magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya, in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ay howlgal gaar ah ku dileen sarkaal sare oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka.

Jaamac Cabdi Aadan oo ahaa Taliyaha Saadka ee guutada 10-aad qeybteeda 43-aad ee Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay, howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.

Sarkaalka lagu dilay howlgalka gaarka ah waxaa laga furtay bastoolad uu ku hubeysnaa, waxaana masuuliyadda dilka si buuxda u sheegtay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.