Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsDagaallo Xoogan oo Ka Dhacay Deegaan Hoostaga Degmada Cadalle ee Sh/Dhexe.

Dagaallo Xoogan oo Ka Dhacay Deegaan Hoostaga Degmada Cadalle ee Sh/Dhexe.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya, iney dheceen dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Dagaalladan ayaa ka dhacay deegaanka Bursha-Sheekh oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana weerarka soo qaaday ciidamada Dowladda Federaalka.

Illaa saddex jeer ayaa lagu jebiyay ciidamada Dowladda Federaalka weerarka ay soo qaadeen, sida ay baahisay warbaahinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana deegaanka lagu dagaallamay gacanta ku haya ciidamada Mujaahidiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.