Sharikadaha duulimaadyada ee magaalada Muqdisho ayay Dowladda Fedaraalka dul dhigtay amarro ay kamid yihiin, in sharikaduhu ay bixiyaan xogta rakaabka iyo magacyadooda.
Go’aankaan ayaa lagu sheegay in Dowladda Fedaraalka ay ku xaqiijineyso amniga garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu khalkhal amni ka taagnaa.
Awaamiirtaan cusub ee kasoo baxday Dowladda Fedaraalka islamarkaana la dul dhigay sharikadaha duulimaadyada ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan Mareykanku uu soo saaray digniinno la xiriira in Muqdisho ay ka dhacaan weeraro ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo durba sababtay in qaar kamid ah Dowladaha Shisheeye ay joojiyaan duulimaadyadii ay ka sameyn jiraan caasimadda Soomaaaliya.