Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsDhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Weerar loo Adeegsaday Dornes oo ka Dhacay...

Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Weerar loo Adeegsaday Dornes oo ka Dhacay Ruushka.

Subaxnimadii hore ee saakay weerar khasaare dhaliyay oo loo adeegsaday diyaarado Drones ah ayaa ka dhacy magaalada Mooskoow ee caasimadda wadanka Ruushka.

Weerarkan ayaa waxaa fulisay xukuumadda Ukraine wuxuuna si gaar ah uga dhacay, labo mandiqadood oo ku yaalla Koonfurta magaalada Mooskoow.

Hal ruux ayaa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida uu sheegay xaakimka Mooskoow oo dhacdadan ka hadlay.

Xukuumadda Ruushka ayaa sheegtay iney ka hor tagtay, 58 diyaaradood oo ay soo dirtay Ukraine, halka Ukraine dhankeeda ay sheegtay iney soo ridday genataal balaastik iyo 79 Drones ah oo uu xalay kusoo weeraray Ruushka.

Isku soo wada duuboo weeraradan ay is dhaafsadeen Ruushka iyo Ukraine ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga maanta looga madlan yahay inuu ka billowdo, wadahadal ku saabsan dagaalka Ukraine iyo Ruushka kaasoo dhexmaraya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Mareykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.