Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsMaamulka Yahuudda oo Duqeymo ka Fuliyay Gobolka Darca ee Dalka Suuriya.

Maamulka Yahuudda oo Duqeymo ka Fuliyay Gobolka Darca ee Dalka Suuriya.

Wakaaladda wararka Suuriya ee saana ayaa sheegtay in ciidamada Yahuuddu ay maalintii shalay duqeymo ka geysteen baadiyaha gobolka Darca dhaca Koonfurta Suuriya gaar ahaan hareeraha magaalooyinka Jibaab iyo Izrac.

Wararku waxay tilmaamayaan in duqeymahan oo ahaa kuwo dhowr ah beegsadeen saldhig ciidan oo kamid ah kuwii uu ku shaqeynjiray nidaamkii Nuseyriga.

Lama soo warin wax yeello nafeed hase ahaatee waxaa jira mid maaliyeed oo ka dhashay duqeymahan.

Dhanka Yahuudda afhayeen uhadlay wuxuu sheegay iney diyaaradahoodu beegsadeen raadeerada xarun qaabilsan sirdoonka hawada oo halkaasi ku taalla, taasoo ay Yahuuddu sheegeen iney amnigooda halis ku ahayd sida ay hadalka udhigeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.