Biixi Iimaan Cige oo ah wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka, ayaa ka jawaabay eedeyn dhawaan ay usoo jeediyeen qaar kamid ah wadaadaha u fatwooda Shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka, oo ahaa inuu doonayo in la meel mariyo xeer Ribada baneynaya.
Isagoo ka hor hadlayay baarlamaanka Dowladda Federaalka, ayuu wasiirka Maaliyadda waxba kama jiraan ku sheegay eedaas, isagoo sheegay inuusan cidna ka ogolaan doonin iney shakhsiyadiisa weerarto.