Maalintii shalay dagaallo culus ayaa ka dhacay deegaan lagu magacabo Bursha-Sheekh oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Dagaalka ayaa waxaa khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Federaalka, oo fagaaraha dagaalka uga cararay meydadka ugu yaraan toban askari.