Deegaanka ay duqeyntu ka dhacday waxaa lagu magacaabaa Isha Ablaaya oo katirsan buuraha Calmaskaad ee gobolka BARI, Waxaana duqeyntu dhacday tobanka bishan Ramadaan ee aynu ku guda jirno.
Waxaa goobta lagu dilay ugu yaraan 8 ruux oo isku qoys ah, oo ay kamid yihiin haween, caruur iyo rag intaba. sidoo kale waxaa duqeynta ku dhaawacmey afar ruux oo kale.
Maxamed Cali Orshe oo ah aabaha qoyska ay dhibaatadani ku dhacday ayaa ka waramay bal sida ay u dhacday duqeynta, dadkiisana loo laayay.
Codka koowaad wuxuu kaga waramayaa duqeynta dhacday, codka labaadna wuxuu tirinayaa magacyada dadka lagu dilay duqeynta iyo kuwa dhaawacmey.