Sida uu daabacay wargeyska Monitor ee kasoo baxa dalka Kenya, waxaa weerar ka dhacay xad beenaatka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya dhimasho iyo dhaawac ku noqday saraakiil katirsan booliiska dowladda Kenya, kuwaasoo ku sugnaa xadka.
Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa weerarka geystay xubno katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka, oo ku sugnaa deegaannada xad beenaatka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana weerarka ku dhintay sarkaal booliis ah, halka uu ku dhaawacmey mid kale.
Ciidamo katirsan hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka ayay warbixintu sheegtay iney kasoo gudbeen xadka dhanka Mandera, waxaana markii ay la kulmeen ciidamada booliiska Kenya ay rasaas ku fureen askartii halkaas joogtay, taasoo keentay waxyeellada isuga jirta dhimashada iyo dhaawaca.
Sarkaalka katirsan booliiska Kenya ee lagu dilay is rasaaseynta ayaa lagu magacaabi jiray Dennis Omari, halka kan dhaawacmeyna lagu magacaabo Wright Maku, iyagoo ka furtay hubkii ay wateen.
Pius Gitari oo ah dembi baaraha gobolka Mandera ee dowladda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay, in ciidamada Soomaalida ee weerarka soo qaaday ay horey u qaateen saddex qori, oo ay ka furteen ciidamada booliiska Kenya.
Illaa iyo hadda ma cada waxa uu salka ku hayo weerarkan, iyo dhabnimada in xubnaha weerarka fuliyay ay katirsanaayeen hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka.
Halkaan ka Degso Weerarka Kenya