Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsAskar Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Darawal Mooto-Bajaaj ku Dilay Muqdisho.

Askar Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Darawal Mooto-Bajaaj ku Dilay Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan ugu dileen dad rayid ah.

Ciidamo katirsan Taraafikada Dowladda Fedaraalka ayaa shalay waxa ay isgoyska Jarajiinka ee degmada Yaaqshiid oo katirsan magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen darawal Mooto-Bajaaj.

Dilka kadib waxaa goobta ka dhacay dibadbax ay dhigeen wadayaasha Mooto-Bajaajta iyo dadka deegaanka, waxaana markale ay askartu halkaasi ku dileen 4 ruux oo kale, halka goobjoogayaashu ay sheegeen iney jiraan kuwa kale oo la dhaawacay.

Mootooleyda oo ka caroodey falkaan ayaa waxa ay dab qabadsiiyeen, mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Dowladda Fedaraalka ee dhibaabatada geystay.

Halkaan ka Degso Warka Dilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.