Gudoomiyaha Maxkamadda ee Dowladda Fedaraalka xaqiijiyay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanno badan, isagoo sheegay inuu isaga soo tagay xafiiskiisa kahor inta aan loogu imaan.
Xasan Cali Nuur SHuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Dowladda Federaalka, ayaa waxa uu markale walaac ka muujiyay dagaallada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wadaan qeybo kamid ah gobalka Sh-dhexe.
Waxa uu xaqiijiyay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanno badan, isagoo sheegay inuu isaga soo tagay xafiiskiisa kahor inta aan loogu imaan.