Tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii saraakiil katirsan Dowladda Kenya loo geystay, waxa ay xukuumadda Nairobi shaacisay iney si kumeel gaar ah uxirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si gaar ah deegaanoo katirsan gobalka Mandheera oo ay xoog ku heysato dowladdaas.
Dowladda Kenya ayaa horay waxa ay saraakiisha lagu laayay xadka ay la wadaagto Soomaaliya ku eedeysa iney ka dambeeyeen ciidamo katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka.
Wixii ka dambeeyay dhacadaas, Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah kusoo xoojisay askarteeda ku sugan xuduudda, iyadoona si kumeel gaar ah xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya.