Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo la Ogaaday inuu ka Dambeeyay Xil ka Qaadistii Wasiirkii Gaashaandhigga...

Mareykanka oo la Ogaaday inuu ka Dambeeyay Xil ka Qaadistii Wasiirkii Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka.

Wargeysta Middle East ayaa daabacay warbixin uu uga faalloonayo sababta xilka looga qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga DF, Cabdulqaadir Maxamad Nuur oo loo garan ogyahay (Tiktok) kaasoo aan marnaba horey loo saadaalin in uu waayi karo xilkaas maadaama uu Xasan Sheekh seeddigiis yahay.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in xil ka qaadistiisa ay ka dambeysay dowladda Mareykanka kadib markii ay cadaadis saartay Xasan Sheekh iyo Xamse, waayo Mareykanku wuxuu Tiktok u arkay – baa la sheegayaa- inuu jaasuus ama basaas u yahay dowladda Turkiga oo u muuqata mid Mareykanka kula tartamaysa boobka khayraadka Soomaaliya.

Sida uu sheegayo wargeyska Middle East, kadib dadaallo ay sameeyeen saraakiil Ameerikaan ah waxaa Xasan Sheekh laga dhaadhiciyay inuu xilka ka qaado Wasiir Tiktok. Kahor inta aanan xilka laga qaadin Wasiirkaas, wareysi uu siiyay warbaahinta Ingiriiska todobaadkii lasoo dhaafay ayaa wuxuu ku fashiliyay sir ah in ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin duqeymaha shacabka lala beegsanayay, dhanka kalana wuxuu isla wareysigaas ku quursaday dowladda Mareykanka isagoo muujiyay iney ka maarmi karaan kaalmada ay jarteen.

Kadib markii uu baxay wareysigii lala yeeshay Wasiirkii Gaadhigga DF waxaa sii laba kacleeyay caradii ay Mareykanku u qabeen, waxaana ay saraakiisha Mareykanku Xasan Shekeh ku cadaadiyeen inuu sida ugu dhaqsiyaha badan xilka uga xayuubiyo.

Cabdulqaadir Maxamad Nuur (Tiktok) ayaa ah nin muddo dhowr sano ah ku sugnaa dalka Tirkiga, halkaasna ay kusoo diyaarsanaysay xukuumadda Ankara, si uu uga mid noqdo shaqsiyaadka afkeeda iyo afkaaeteeda xambaarsan ee ay Soomaaliya ku leedahay.

Saraakiil aanan magacooda la shaacin oo u warramay warbaahinta Middle East ayaa sheegay in muddo hore Xasan Sheekh lasoo gaarsiiyay inuu xilka ka qaado ninkan. Bishii Febraayo waxay DF dooneysay iney heshiis la gasho Mareykanka laakin waxaa loo muujiyay in Washington ay ka xun tahay qorshaha Turkiga ee Soomaaliya iyo olole ay Xasan iyo Turkiga isla wadaan oo ah in la doonayo in Soomaaliya Turkida laga siiyo wax la yiraahdo “Space Port” ama garoon iyo xarun farsamo gaadiidka lagu kaydiyo oo isaga u gaar ah.

Canaantii ugu kululayd ee uu Xasan Sheekh kala kulmo saraakiisha Ameerikaanka ayaa ahayn in Washington ay ka fiirsanayso taageerideeda ku aadan la dagaal waxa loogu yeero “argagixisada” oo loola jeedo Islaamka, taas waxay keentay inuu Xasan Sheekh Axadii lasoo dhaafay xilka ka qaado Wasiir Tiktok.

Hal laba midigle uleeyay dhanna uma fiyoobee, tallaabadaas kadib sida ay Al-furqaan xogta ku heleyso waxaa Xasan Sheekh kusoo dhacay telefoon dhanka Turkiga ah, waxaana lagu canaantay sababta uu sidaa u sameeyay, waayo, Turkidu horey ayay u ogaayeen inuu jiro cadaadis ka imanaya Mareykanka.

Iyadoo uu Xasan Sheekh qancinayo Turkiga, ayaa wuxuu Cabdulqaadir Tiktok u magacaabay Wasiirka Dakadaha iyo Badaha oo ah wasaarad xasaasi ah oo wax badan loogu fududeyn karo Turkiga, waxaana muuqanaysa in Mareykanku aanu ku qanacsanayn, waayo wasiir Tiktok waxaa loo sii dhaweeyay xiriirka Turkiga maadaama ay haystaan Dakadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, badda Soomaaliyana ay ka wadaan shidaal baaris.

Mareykanku si rasmi ah ugama tacsiyeyn halistii uu shalay galay Xasan Sheekh, halka dowlado ay kamid tahay Ingiriiska ay u jiir naxeen Gurguurte, aadna uga walaaceen weerarkaas. Washington, waayihii dambe aad ayay usoo gaabineysay xiriirkeeda DF iyadoo ka goosatay dhaqaale badan oo uu kamid yahay kii mushaar ahaanta loo siin jiray ciidanka Danab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa todobaadyo kahor quus ka muujiyay xaaladda DF iyo dardarta ay lasoo baxeen XSHM isagoo sheeay in khatartu sii kordhi doonto, laakin DF oo iska indhatireysay saadaasha dardarta XSHM oo qof walba u muuqatay ayaa hadda u muuqata mid arkeysa xaqiiqda maadaama dhul badan lagala wareegay, ciidan badan laga laayay, hub iyo gaadiid badan laga furtay, madaxweynaheediina uu shalay dirqi uga badbaaday weerar lagula beegsaday afaafka hore ee madaxtooyada.

Halkaan ka Degso Warka Wargeyska

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.