Korneel Cabdullaahi Macow oo kamid ah saraakiishii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, ahna falanqeeye dhanka ammaanka ah ayaa ka hadlay fashilka heysta Dowladda Federaalka iyo ciidnakeeda, isagoo sheegay in sanado kahor halkii dagaalku ka billowday uu maanta taaganyahay.
Wuxuu tilmaamay in istiratiijiyadda Dowladda Federaalka qaadatay aad looga sareeyay, oo Xarakada Mujaahidiinta Al-SHabaab la timid xeelado dagaal, sidoo kalena ay Dowladda Federaalkad dhexdeeda ku leedahay ilo sirdoon.