Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar madaafiic ah oo ay maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay Shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya.
Madaafiicda ayaa lasoo warinayaa iney gudaha ugaleen xarunta, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo soo gaaray Shisheeyihii halkaasi ku sugnaa.
Ugu yaraan 3 shisheeyaha ah oo udhashay wadamada Yurub kana tirsanaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa ku dhintay duqeyntan, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo isla shaqaalahan reer Yurub katirsan.
Waxaa madaafiicda lagu gubay 3 gaari oo ay UN-ku leeyihiin iyo 2 guri oo ay daganyihiin Shaqaalaha hey’addaas.
Waxaa intaa dheer khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shaqaalihii ku sugnaa guryaha madaafiicda lagu gubay.