Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsDuqeymaha Yahuudda ee Marinka Qazza oo Halkooda Kasii Socda. .

Duqeymaha Yahuudda ee Marinka Qazza oo Halkooda Kasii Socda. [Warbixin].

Saacadihii lasoo dhaafay marinka Qazza waxaa ku shahiiday dad kor udhaafaya 40 ruux kuwaasoo uu duqeymo la beegsaday maamulka Yahuudda, sida laga soo xigtay ilo caafimaad.

Sido kale waxaa jira dhaawacyo farabadan kuwaasoo Iyana ka dhashay duqeymaha aan loo meel dayin ee uu maamulka Yahuuddu ku gumaadayo ehelkeyna reer jiidda Qazza.

Haddii aan wax ka tilmaamno meelaha ka dhaceen duqeymaha eek amid ah Marinka Qazza, waxaa ugu horreeya magaalada Khaan-Yuunis iyo Qazza oo ay saakay duqeymo dhanka cirka ah la beegsadeen Sahaayinada, waxaana shuhado iyo dhaawacyo ku noqday tobanaan ruux.

Sido kale duqeymo ayaa ka dhacay magaalada Rafax gaar ahaan mandiqadda Al-Muwaasii iyo Khaan-Yuunis waxayna sababeen shuhado iyo dhaawacyo.

duqeymahaasi waxaa ku shahiiday dad kor udhaafaya 7 ruux oo 3 kamid ah isku qoys yihiin, islamarkaana sido kale ay ku jiraan dumar iyo caruur, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Dadkan waxay Yahuuddu ku gumaadeen guryahooda iyo teendhada ay burburka ka dhextaagteen, iyagoo dusha sare kaga dumiyay kadib markii ay gentaallo la beegsadeen.

Sido kale, duqeyn ka dhacday xaafadda Ash-Shajaaciyah ee magaalada Qazza, waxaa shuhado iyo dhaawacyo ku noqday tiro dad ah, halka sido kale duqeyn ka dhacday xaafadda Az-Zeytuun ee isla magaaladaasi ay ku shahiideen 2 ruux oo Falastiiyiin ah kuna dhaawacmeen qaar kale.

Duqeymaha laga soo tebiyay xaafadaha magaalada Qazza waxay dhaceen aroornimadii hore ee saakay, waxayna beegsadeen guryo dad rayad ah leeyihiin.

Tan iyo shalay galab kii duqeymaha ka dhacay Marinka Qazza waxaa ku shahiiday dad aan ka yareyn 40 ruux, sida laga soo xigtay ilo caafimaad.

Marka laga soo tago duqeymahan dhanka cirka ah, waxaa kale oo barbar socda duqeymo madaafiic ah iyo ciidamo katirsan kuwa Yahuudda oo gudaha ugalay qeybo kamid ah Marinka Qazza, islamarkaana go’doon geliyay dadkii ka qixi lahaa duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay halkaasi kawadaan Sahaayinada.

Waxaa intaasi sii dheer oo ay Yahuuddu burburinayaan intii ka hartay dhismayaashii Marinka iyagoo u adeegsanaya burburintooda habab kala duwan sida: in ay miinooyin ku xiraan iyo iney gentaallo culus la beegsadaan.

Go’doonkii saarnaa reer Qazza waa sidiisii gaajada iyo harraatkuna waxay Jiidda Qazza ka noqdeen wax nolosha kamid ah, sababtoo ah nafti ayaaba badbaadi la’ oo dadkii ayaa koox koox ushahiidaya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.