Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsInkabadan 100 Askari oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Dalka Burkina Faso.

Inkabadan 100 Askari oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Dalka Burkina Faso.

Haddii aan ku billowno weerarka koobaad wuxuu ka dhacay gobolka Fadanqarooma ee Dalka Burkiina Faaso, weerar xooggan aye Mujaahidiinta Jamaacadu ku qaadeen xero ciidan oo ay askarta Burkiina Faaso ku lahaayeen deegaan dhaca halkaasi, waxayna gaarsiiyeen khasaare isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed.

Ugu yaraan 100 askari ayey ku dileen weerarkaasi, waxayna dagaalka ku furteen gaadiid ciidan oo gaaraya 3, hub farabadan oo noocyo kala duwan leh una badan Ak47, rasaas iyo saanad ciidan, sido kale mootooyinka Dhugdhugleyda oo gaaraya illaa iyo 13, waxayna sido kale gubeen 6 gaari oo labo gaashaaman tahay.

Dhanka kale weerar shalay ka dhacay isla wadanka Burkiina Faaso waxay ku dileen 10 askari oo katirsanaa ciidanka xukuumadda dalkaasi, waxayna maxbuus ahaan ugu qabteen dagaalka 1 askari, iyagoo isla weerarkan ku furtay hub, rasaas, diyaarad Drone ah, 2 mooto Dhugdhugley, iyo agabyo kale.

Sido kale bishii Ramadaan e eina dhaaftay Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin waxayn fuliyeen hawgallo kala duwan, kuwaasoo ay ku dileen in ka badan 208 askari, gadiid iyo hubna gacanta ku dhigeen, halka ay sido kale qabteen askar maxaabiis ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.