Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsCabdiraxmaan Cirro oo Noqday Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Cirro oo Noqday Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ku guuleystay doorashada madaxtnimada maamulka labaxay Soomaaliland, sida lagu sheegay war kasoo baxay gudiga doorashada.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in Cabdiraxmaan Cirro uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha Somaliland, isagoo helay codad gaaraya 63.92%.

Muuse Biixi oo hadda noqday madaxweynihii hore ee maamulkaas, islamarkaana kamid ah musharrixiinta utartameysay xilka madaxtinimada ee maamulka la baxay Soomaaliland ayaa isana helay codad u dhigma 34.81%.

Cirro ayaa mudadii uu ku jiray ololaha doorashada waxa uu ballan qaaday inuu isbadal ku sameynayo maamulka la baxay Soomaaliland, isagoona hadallo adag kala hortagay madaxweynaha dhacay ee Muuse Biixi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.