Tuesday, April 8, 2025
HomeAll NewsDEG DEG: Ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Degaanka Aboorreey.

DEG DEG: Ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Degaanka Aboorreey.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta dagaal kula wareegay degaanka Aboorreey ee dhaca duleedka magaalada Buulo-Barde oo katirsan gobolka Hiiraan.

Ciidankii Dowladda Fedaraalka ee halkaasi ku sugnaa ayaa la kala cayriyay, waxaana sido kale la jabiyay mar kale oo ay isku dayeen iney weeraraan degaanka.

Hadda xaaladda degaanka ayaa ah mid degan, waxaaan gacanta ku haya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku sugan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Millateriga Xarakada Mujaahiinta Al-Shabaab dagaal kula wareegaan degaanka, weerar xooggan oo kan kasii horreyay ayaan dhawaan ka dhacay degaanka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.