Jibriil Cabdi Rashiid oo ah wasiirka cusub ee Gaashandhiga Dowladda Federaalka ayaa xilli uu la wareegayay xilka wasaaradda wuxuu sheegay, ineysan weli ka maarmin taageerarada ciidamada Shisheeyaha.
Hadalka wasiirka cusub ayaa yimid, kadib markii munaasabadda xil wareejinta uu wasiirkii hore ee gaashandhiga Cabdil Qaadir Maxamed Nuur, ku faanay inuu dhisay ciidan awood leh.
Ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka Soomaaliya ku jooga ayaa ka daalay dagaalka, waxaana loo la’yahay taakulo dhaqaale, tani oo mugdi gelineysa masiirka Dowladda Federaalka haddii ay ciidamad Shisheeyaha ka baxaan dalka.