Munaasabad ka dhacday deegaan hoostaga degmada Baraawe ee gobalka Sh-hoose, ayay Beesha Ciroole oo kamid ah beelaha dega gobalkaas waxa ay ku wareejisay Geel iyo Ari ay ugu tala-gashay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Beesha ayaa waxa ay muujisay sida ay ugarab taagan tahay halganka ka dhanka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka iyo Dowladda Fedaraalka, waxaana munaasabadda ka qeyb galay oo warbixintaan inooga diyaariyay wariyaheenna Cabdullaahi Soomaali.