Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsGaari uu Leeyahay Xildhibaan Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Muqdisho Lagu Jiirsiiyay Wiil...

Gaari uu Leeyahay Xildhibaan Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Muqdisho Lagu Jiirsiiyay Wiil Yar.

Hooyada dhashay wiil yar oo ay Dowladda Fedaraalku gaari jiirsiisay ayaa mar kale warbaahinta la hadashay iyadoo ka cabaneysa dhibka loo geystay.

Hooyadan ayaa wiil 7 sano jir ah oo ay dhashay waxaa maalmo kahor jiiray gaari ciidan oo ay sheegtay inuu leeyahay xildhibaan katirsan Dowladda Fedaraalka.

Wiilka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxayna hooyadan ay sheegtay ineysan waxba u awoodin isbitaalkii ay la gashayna laga soo saaray sababo la xiriira dhaqaalo yari.

Dowladda Fedaraalka ayey ku eedeysay iney meermeerisay, islamarkaana aysna dhibka wiilka gaaray waxba kala qaban, hadal been ahna usheegtay.

Halkaan ka Degso Warka Wiilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.